“Lax Waliba Shillalka ay is Dhigto Ayaa lagu Gowracaa”

Dawladda Deni & Wasiirada DFS ee kasoo jeeda Puntland isku si uma soo dhaweyso, Nimaan is xurmayn cidna yuusan ka sugin in la xurmeeyo !!!!

Waxaan doonayaa inaan labo eray ku dul istaago siday u kala soko marsatay dawladda Deni 4tii wasiir Arimo Dibadeed ee Soomaaliya ee u dambeeyey, isagoo maamuus dheeraad ah siiyey kuwa ka soo jeeda Caasimadda Puntland, kuna dalbada kuwa Mudug, maddaalaha aan waxba ka xishoon ee wasiir Maxamed Dhabancad ama Wasiir ha noqdo, ama Issin ha noqdee, Dhabancad waa nin loo adeegsado wixii la rabo in lagu dhibaateeyo ama lagu bahdilo mas´uuliyiinta gobolka Mudug ka soo jeeda.

Wasiiradaas oo kala ah mudane Axmed Ciise Cawad, (Ciise Maxamuud), mudane Maxamed C/risaaq Maxamuud, (Cumar Maxamuud), mudane Cabdisiciid Muuse Cali-Koore, (Cumar Maxamuud),  iyo mudane Abshir Cumar Huruuse, (Ciise Maxamuud).

Madaxweynaha Puntland mudane Saciid Cabulaahi Deni wuxuu si mug, miisaan iyo maamuus saraysa u soo dhaweeyaa wasiirada ka soo jeeda Beesha Ciise Maxamuud isagoo bah-dilay kuwa Cumar Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu Deni sida wasiirada ula dhaqmaa La-taliyayaasha Xafiisyada madaxweynaha iyo Ra´iisul wasaaraha isagoo dagaal joogto ah ku haya kuwa Mudug ka soo jeeda Cumar Maxamuud. Waxaa ugu dbeeyey Senator Gaagaab oo labo maalmood u joogay Garowe in uu Maeaxweynaha arko Garowe imaanshaha madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ka hor waana ka quustay wuxuuna u gudbay Gaalkacyo shalay.

Wasiir Dhabancad kii Deni dhaho u qosol oo soo dhawee ayuu durbaan ku soo dhaweeyaa kii kalena gafuurka ayuu u buuraa, illeyn waa lagu amraye.

Waxaan dib idiin xusuusinaynaa dhacdooyinkaan hoose:

1-10kii dec 2020 Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/risaaq Maxamuud oo caasimadda Puntland ee Garowe kasoo dagaya ayaa dadweynihii soo dhawaynayey loo diiday inay garoonka galaan, waxayna ciidamadu ka fujiyeen baabuurtii ay dadka soo dhawaynaya wateen sawirrada wasiirka.

1a-24kii july 2021 Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/risaaq Maxamuud oo xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo kasoo dagaya ayey waxay dawladda Deni waxay ku amartay maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo inaysan soo dhawayn aysana ogolaan in dadweyne Garoon diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf ku soo dhaweeyaan.

2-Dec 2021 oo loo magacaabay Wasiir Mudane Cabdisiciid Muuse Cali-Koore waxay dawladda Deni amartay in aan lagu soo dhawayn xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo wax maamuus wasiirnimo ahna aan la siin, isagoo dhawayr jeer ku yimid soo dhawayn iyo maamuus la´aan.

3- Mudane Axmed Ciise Cawad mar kuu ahaa Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya waxay dawladda Deni ku soo dhawayn jirtay raxan wasiiro ahoo Garoonka diyaaradaha uga hortaga iyo habmaamuus aad u sareeya.

4- Mudane Abshir Cumar Huruuse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda waxay dawladda Deni kusoo dhawaysay sidii ay u soo dhawayn jirtay.

Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa “Lax Waliba Shillalka ay is Dhigto Ayaa lagu Gowracaa”, mid reer Mudug ah baa ku oran “Farmaajo ayey daacad u ahaayeen” oo mudane Axmed Ciise Cawad daacad uma ahayn miyaa? Oo isna mudane Abshir Cumar Huruuse daacad uma ahan Xasan Sheekh miyaa? Maxaa la isku yeelyeelayaa.

Sidoo kale waxaa dhab ah, in ay rag badan ku shaqeeyaan Carada Saciid Dani oo 4 sano jirsan rabta, waligiis Deni ma iimaansan Puntland in uu ku shaqeysto mooyee, sida reer Boosaaso Deeqa waa in la isaga dhiciyaa, Car yuusan u diidin in Xasan Sheekh inuu  Dekedda Garacad furo October 20, 2022.

Dr Yasiin Jaamac Faarax (Dr Balbalaarshe)

Puntlandes.com

About The Author