Sawirro: Madaxweyne xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Garowe

25 Aug 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa soo dhoweynta Madaxweynaha JFS kala qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Xubno ka mid ah Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

About The Author