Sawirro-Muuqaal: Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo ku wareejiyey Galmudug Taakulo Raashin iyo Shidaal ah oo loogu talagalay ladagaalanka Argagixisada

27 Aug 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo uu wehlinayo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maxamed Waloore ayaa ku wareejiyey Maamulka Galmudug Taakulo Raashin iyo Shidaal isugu jirta oo loogu talagalay in looga qayb qaato ladagaalanka Argagixisada Deegaanada ka haysta Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug iyo ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug ayaa yaa Deeqdan kala wareegay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Puntland Mudane Faysal Sheikh Cali., sidoo kale munaasibadaan waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa sheegay inay ahmiyada 1aad siin doonaan ladagaalanka Argagixisada Alshabaab, isagoona umada Soomaaliyeed ugu baaqay in laga hortago cidkasta oo aragta wax lidi ku ah amniga ama shaki dareentana inay laamaha Amniga la soo xiriiraan.

About The Author