Sawirro: Xamse oo ka qaybgalaya Shirka Caalamiga ee Tokyo ee Horumarinta Afrika oo ka furmay maanta magaalada Tunis

27 Aug 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa oo iminka ku sugan magaalada Tunis ee dalka Tunisia ayaa wuxuu ka qaybgalaya Shirka Caalamiga ee Tokyo ee Horumarinta Afrika oo ka furmay maanta magaalada Tunis – kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirka waxaa furay Madaxweynaha Tunisia, Qays Saciid oo ka hadlay iskaashiga dalalka qaaradda Afrika iyo dowladda Japan.

Shirkan caalamiga ah oo sidoo kale qudbado ay ka jeedinayaan madaxda Afrika iyo Japan ayaa waxay kaga wada hadlayaan qodobo ay ugu waaweyn yihiin kobcinta dhaqaalaha, sidii loo abuuri lahaa fursado horumar, bulsho isku filnaansho gaarta iyo qaabkii looga shaqeyn lahaa nabad iyo degenaansho ay helaan wadamada Afrika.

About The Author