Daawo Muuqaal: Senator Gaagaab “Dowlada Fadaraalka ee Xamar fadhida magac mooyee wax kale kuma qabno hadaan nahay reer Puntland”

30 Aug 2022 (Puntlandes) Senator Maxamed cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay inaysan magac mooyee wax kale Puntland ku qabin dawladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Senator Gaagaab ayaa yiri “Dowlada Fadaraalka ee Xamar fadhida magac mooyee wax kale kuma qabno hadaan nahay reer Puntland”

Sidoo kale Senotor Gaagaab ayaa ku sii daray ” Waxaa xaqiiqo in Xukuumadda hadda jirta xilalkii muhiimka ahaa waxaa lagu safay beesha uu kasoo jeedo Xasan Sheekh, Puntland lama siin wax u qalma reer Puntland waxaan u sheegayaa Xamar waxaan magac ahayn inaysan naga jirin, Saluug badan ayaa jira oo dhinac kasta leh” ayaa yiri isagoo kahadlayay kulan uu la qaatay Waxgaradka gobalka Mudug.

About The Author