Sawirro: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland & PDRC oo degmada Bursaalax ku qabatay “Madasha Waxbaridda Codbixiyayaasha”

30 Aug 2022 (Puntlandes) Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa oo kaashanaya Hey’adda Puntland Development Research Center-PDRC, ayaa degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ku qabatay “Madasha Waxbaridda Codbixiyayaasha”. xubnaha Ka qeyb galay kulankan oo laga soo xulay Ururadda Haweenka, Dhalinyarada Dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo bulshooyinka nugul.

Guddoomiyaha Guddiga ee gobolka Mudug Caasha Axmed Xuseen oo ka hadashay madasha wacyigalinta ayaa sheegtey in Dadweynuhu u diyaargaroobaan doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Bursaalax iyo Guud ahaan degmooyinka Puntland.

Baahinta wacyigalinta iyo kor uqaadida fahamka bulshada ee Hanaanka Axsaabta badan ee Puntland ayaa qayb ka ah diyaar garowga dhamaystirka doorashooyinka qof iyo codka ah ee Degmooyinka Puntland.

About The Author