Dabley Hubaysan oo isgaarsiintii ka jartay Degmada Eyl xili uu madaxweynaha Puntland kusii jeeday

03 Sept  2022 (Puntlandes) Dabley Hubaysan ayaa isgaarsiintii ka jartay Degmada Eyl ee gobolka Nugaal, xili uu madaxweynaha Puntland kusii jeeday degmadaasi.

Madaxweynaha Puntland ayaa iminka ku sugan degmada Dangorayo, halkaasoo uu ka dhagax dhigay wado isku xirta Eyl iyo Dangorayo.

Dhamaan deeganada hoos yimaada degmadda Eyl iuyo kuwa ku xeeran ayaa waxa ka maqan Isgaarsiinta taas oo keentay inuu meesha ka baxo adeegii Golis ee wax lagu kala gadan jiran.

Shacabka deegaanadaas ayaa maanta wax ku kala gadanaya dayn, waxaana saameyn xoogan ay u keentay ganacsigii shacabka.

Madaxweynaha ayaa degmadda Eyl u tagayay inuu fariisiyo golihii deeganka ee la dpoortay sanadkii hore halkaan ka akhriso, dhacdada Isgaarsiinta lagu garay ayaa waxay la xiriirtaa xalinta khilaafkii jiray.

Waxaa muuqatay inay jiraan dad ka soo jeeda deeganka oo diidan inay Puntland ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

About The Author