Sawirro-Muuqaal: Maxay ka cabanayaan Shaqaalaha Cusbitaalka Qardho oo Shaqadii joojiyay?

04 Sept  2022 (Puntlandes) Shaqaalaha Cusbitaalka guud ee Qardho oo sameeyay banaanbax ay uga soo horjeedaan maamulkii Cusbitaalka Qardho ayaa saaka shaqadii joojiyay.

Shaqaalaha oo sitay boorar ay ku xardhan yihiin Madaxweyne Cadaalad ayaan rabnaa ayaa saf dheer ku gallay afaafka hore ee Cusbitaalka, waxayna warbaahinta la wadaageen waxyaabaha ay ka cabanayaan.

Gudoomiyaha gobolka karkaar cabdi saciid Cismaan, Taliyaha qaybta booliska gobolka karkaar, Isuduwaha wasaarada caafimaadka, Xisaabiyaha wasaarada Maaliyada iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray cusbitaalka iyagga oo xaalada dejiyay, sidoo kalena bilaabay kulamo in ay la yeeshaan shaqaalaha iyo Agaasime ku xigeenka cusbitaalka.

About The Author