Daawo Muuqaal: DFS “abaartani waa tii ugu darnayd muddo 40 sanno ah, taas oo saameysay dad gaaraya 6.9 milyan qof”

06 Sept  2022 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa faah-faahin ka bixiyey dadaallada ay waddo DFS iyo goobaha ugu daran ee saameynta ay ku yeelatay abaartu.

Wasiirka ayaa sheegay in abaartani ay tahay tii ugu darnayd muddo 40 sanno ah, taas oo saameysay dad gaaraya 6.9 milyan qof oo u dhiganta 42% guud ahaan dalka dadka ku dhaqan, isla markaana ay ka barakicisay deeganadoodii 894 kun oo qof, si ay u helaan biyo iyo baad, halka 1.5 milyan caruur ahi la ildaran yihiin nafaqo darro ba’an.

About The Author