Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Muse Bixi oo caddeeyey inuu soo saarayo 3 Xisbi doorasha madaxweynaha kahor

07 Sept  2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadlay munaasabad lagu dhaariyey sadex xibnood oo mad ah guddiga Doorashooyinka ee ay shalay Golaha Wakiiladu ansixiyeen ayaa dardaaran siiyey xubnaha cusub-

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu caddeeyey in xubnaha komisanka looga fadhiyo hirgelinta labada doorasho ee ururrada iyo madaxweynaha oo uu xusay inay midda ururradu soo horayso, waxana uu yiri “Laba doorasho ayaa ina dul yaalla oo aad qaadaysaan, midi waa tii xisbiyada, marka aad saddexda xisbi soo saartaan baa madaxweynahana la dooranayaa, ururradaa cararayaana madaxweynay doonayaan, mana dhici karto in la yidhaahdo ururradow, ururna sameeya, madaxweynena u gudbi maysaane dib u suga, sharcigana ma waafaqsana.”

Hadalka madaxweynaha ayaa sii fogaynaya rajadii labada Xisbi ee mucaaradka ah UCID iyo WADDANI oo ay ku doonayeen in doorashada madaxweynuhu hor marto.

About The Author