Shirka Wasiirada Maaliyadda DFS & Dawlad Goboleedyada oo la isku afgaran la´yahay

07 Sept  2022 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in shirkii Muqdisho uga socday wasiirada Maaliyadda dawladda Federaalka Soomaaliya iyo luwa Dowladaha xubnaha ka ah DFS la isku mari la´yahay.

Shirkaan oo Isniintii u furmay ayaa lagu kala tagay kadib markii ay isku fahmi waayeen sida loo kala qeybsanayo Qoondada dhaqaale ee laga helayo Bangiga Aduunka.

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Maaliyada Faderaalka uu yeelan waayay go’aan cad, isagoo meelo kale laga hagayey.

Is-fahan waagaan ayaa carqabad ku geedisocodkii dayn cafinta Soomaaliya ouo guud ahaan caawinta ay beesha Caalamku caawiso Soomaaliya.

About The Author