Dekedda Garacad oo xariga laga jari doono bisha soo socota, ayaa noqonaysa waddo ganacsi oo isku xiri doonta gobolka Koonfur-bari ee Itoobiya iyo…..

09 Sept  2022 (Puntlandes) Dekedda Garacad ayaa xariga laga jari doonaa bisha soo socota, iyadoo noqoneysa waddo ganacsi oo isku xiri doonta gobolka Koonfur-bari ee Itoobiya iyo magaalada Garacad.

Dhismaha dekedda oo ah mashruuca ugu weyn ee isku tashi ayaa qeyb ka ah qorshe maalgashi oo ay ku baxayso lacag dhan 531 milyan oo doolar oo loogu talagalay in lagu kobciyo dhoofinta xoolaha, kalluunka, macdanta iyo badeecadaha beeraha, sida uu sheegay Siciid Faadhi, madaxa fulinta ee Wadagsan LLC, oo la hadlay Bloomberg, halkaan ka akhriso.

Dekedda waxay awood u yeelan doontaa inay ku soo xirtaan maraakiib sida 40,000 oo tan oo konteenar ah, waxaana laga heli karaa adeegyo ay ka mid yihiin qalab casri ah oo wax lagu raro, goobo qaboojiye ah iyo goobo lagu quudiyo xoolaha.

Waa dekedda shannaad ee badweynta Hindiya ee geeska Afrika iyo midda ugu dhow Dalka Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin 115 milyan oo qof oo dhaqaalihiisa uu ka mid ahaa kuwa ugu kobaca badan adduunka ka hor faafida coronavirus. Sidoo kale Faadhi, ayaa tilmaamay dekedda inay xal u noqoneyso cunnayarida ka jirta gobolka , maaddama laga soo dejinayo cunnada dibadda laga keeno.

About The Author