Sawirro: Axmed Madoobe oo gaaray Muqdisho

10 Sept  2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka iyadoo wafdi Madaxweynaha ay kamid yihiin xubno katirsan labada gole ee Dowlada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah iyo dadweyne kala duwan.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in uu Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka madasha wadatashiga oo diirada lagu saarayo arimaha amniga dalka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed iyo heerarka kala duwan ee Dowlada Soomaaliyeed ay ugu diyaar garoobi lahayeen isku tashi amni si xal looga gaaro dhibaatada amniga Soomaaliya.

About The Author