Sawirro-Muuqal: Madaxweyne Deni oo kahadlay inuu doonayo inuu qabto doorasho, kooxda AaranJaan iyo arimo kale oo xasaasi ah

12 Sept  2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo daah-furay tababarka Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo Qardho, Ufeyn iyo Eyl kuwaasi oo ah goleyaashii deegaan ee ugu horeeyay ee Shacabku kusoo doorto hal Qof iyo Hal cod, ayaa ka hadlay inuu doonayo inuu qabto doorasho, kooxda AaranJaan iyo arimo kale oo xasaasi ah.

Ugu horayn madaxweyne Deni ayaa Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo la wadaagay shaqada adag, duruufihii iyo go’aan qaadashada taariikhiga ah ee laga soo maray in uu hirgalo nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo maanta ay halkan ku fadhiyaan Xildhibaanadan codka shacabka.

Deni ayaa u digey cidkasta oo sida uu sheegay isku dayda nooc walba oo carqaladeyn ah, oo lagu dhibaateynayo nidaamka dimuqraadiyadda isagoo muujiyay sida ay Dowladda uga go’antahay uguna diyaargarowday in degmooyinka kale ee Puntland sidoo kale dhowaan laga qabto doorasho qof iyo cod ah, oo ay dadku soo doortaan goleyaashooda.

About The Author