Baarlamaanka Galmudug oo muddo kordhin u sameeyey madaxweyne Qoorqoor

13 Sept 2022 (Puntlandes) Xildhibaannada baarlamaanka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb, ayaa muddo kordhin u sameeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Muddo kordhinta ayaa salka ku haysa wax ka beddel lagu sameeyey dastuurka maamulkaasi, gaar ahaan muddada xil-heynta.

Xildhibaannada oo sameeyey codeyn gacan-taan ah ayaa hal sano oo dheeri ah ugu daray madaxweyne Qoor Qoor, waxaana ogolaatay 56 mudane.

Xil heynta madaxweynaha Galmudug ayaa markii hore aheyd 4 sanno, haddase waxa ay noqoneynaa 5 sanno, sida uu ku dhowaaqay guddoonka baarlamaanka Galmudug.

Qorshahaan ayaa soo socda todobaadyadii ugu dambeeyey, iyada oo aad loogu kar karinayey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Arrintaan ayaa daba socota tallaabooyinkii ay horey u qaadeen maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo iyaguna min hal sano ku darsaday xil heyntooda.

Muddo kordhintaan ka soo baxay baarlamaanka Galmudug ayaa ku soo aadayo, xilli shalay la soo gabagabeeyey shirkii u dhexeeyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

About The Author