Sawirro: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntlandha oo Kulan la qataay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Sweden

13 Sept 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, TPEC, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay weheliso Xoghayaha Guud ee Guddiga Ubax Abshir ayaa maanta Kulan la qataay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Sweden gaar ahaan Agaasime ku xigeenka Africa mudane Ndisi Johan iyo saraakiil sare oo Wasaarraada ka tirsan, sidoo kale waxaa kulanka ku weheliyey saraakiil ka socotay Hay’adaha SIDA iyo FBA.

Kulanka ayay uga wadahadleen xoojinta wada shaqaynta iyo Taagerada Sweden ay siiso hirgalinta Doorashooyinka qof iyo codka ah, guud ahaaan kobcinta Dimoqraadiyadda Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Kulanka labada dhinac ayaa guul ku soo dhamaday. Xubnahan Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa booqasho shaqo ku joogay maalmahaan dalka Sweden iyagoona ka mid ahaa korjoogtadii doorashadii ka dhacday dalkaas.

About The Author