Sawirro: Maxay ka wada hadleen Taliyayaasha Booliska Puntland & Swedan

14 Sept  2022 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Maxamed Cali Xaashi iyo wafti uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Sweden ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Sweden.

Kulanka labada Taliye ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Booliska Puntland iyo Sweden, sugida Amniga doorashooyinka qof iyo codka ah iyo siddii Booliska Sweden ay khibrad u siin lahaayeen Ciidanka Booliska Puntland, sida lagu sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Gen. Maxamed Cali Xaashi.

“Waxaan kawada hadalay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya ciidanka booliska labada dhinac waxaana shir ay wada qaateen looga hadlayay sidii loo sugilahaa amniga doorashada Qof iyo Cod iayagoo ku lafa guray sidii booliska dalka Swedan ay uga qayb qaadan lahaayewn khibrad wadaag ku aadan sugida amniga doorashada.”

Taliyaha Booliska Puntland ayaa uga mahadceliyay Taliska Booliska Sweden sida ay u garab taagan yihiin Booliska Puntland, waxaana uu sheegay in uu rajeynayo in kulamadiisa Sweden ay mira-dhalaan.

“Waxaan uga mahad celiyay Dhigayga dalka iswedhan sida wanaagsan ay had ijeer ugarab taaganyihiin anigoo xusan in inta aan joogno Dalka Swedan kulamada aan kuleenahay aan ka rajaynayo kuwa mira dhal ku soo dhamaada.”

About The Author