Sawirro: Taliyaha ciidanka booliska Puntland oo booqday saldhiga Rinkeby ee caasimada Sweden

15 Sept  2022 (Puntlandes) Taliyaha ciidanka booliska Dawladda Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi oo safar shaqo ku jooga dalka Swedan ayaa booqday saldhiga xaafada ay soomaadu ku badan tahay ee rinkeby ee Stockholm.

Taliyaha waxaa booqashada ku weheliyay saraakiisha hogaanada ciidanka booliska DPL iyo saraakiisha qaybta gobolka waxaana soodhaweeyay Taliyaha saldhigaasi.

Taliyaha Ciidanka booliska S/guuto Maxamed Cali Xaashi iyo saraakiisha ayaa kulan gaar ah oo looga hadlayay mustaqbalka habka loosugayo amnida dadka Soomaaliyeed ee kunool xaafada rinkeby ee caasimada dalka Swedan kula qaatay saldhiga isagoo ka dhagays tay warbixin.

Taliyaha ayaa inta uu joogay saldhiga xaafad rinkeby sidoo kale qaabilay qaar kamida ururada bulshada waxgaradka iyo imaanka masjidka waxayna Taliyaha uga mahadceliyeen shaqooyinka wanaagsan ee baaxada leh ee uhayo bulshada Reer Puntland, haldoorka ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga go’antahay garab istaaga shaqada ciidanka booliska.

About The Author