Akhriso dawlad goboleedyada dalka oo DFS hordhigay dalab culus

14 Sept  2022 (Puntlandes) Dawlad goboleedyada dalka ayaa ugu baaqay dawladda federaalka Soomaaliya in la fasaxo deeqaha loogu talogalay wax ka qabashada abaaraha, oo ah lacag ka timid dibedda oo gaareysa ku dhowaad $10 milyan.

Go’aankan ayaa laga soo saaray shir ay yeesheen Wasaaradaha Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee maamullada Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Puntland, Jubaland iyo Galmudug oo 12-kii ilaa 14-kii bishan September 2022 ka dhacay magaalada Baydhaba.

Kadib kulamo saddex maalmood ah oo wasiirrada wasaaradaha bani’aadminnimo ay ku yeesheen magaalada Baydhaba ayey ka codsadeen dawladda federaalka in lasoo fasaxo lacag dhan $9.6 milyan oo dollar oo dawladda Imaaraadka Carabtu ay ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha.

Dawladda Soomaaliya ayaan markiiba ka jawaabin baaqa kasoo yeeray wasiirrada gargaarka bani’aadaminnimo ee maamul goboleedyada.

About The Author