MADAXWEYNE DENI OO MAGACAABAY GUDDOOMIYEYAASHA & KU-XIGEENADA DEGMOOYINKA BOSASO, GAROWE & GAALKACYO

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYEYAASHA IYO GUDDOOMIYE KU-XIGEENADA DEGMOOYINKA BOOSAASO, GAROOWE IYO GAALKACYO.

Garoowe: 15 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 55 ee 15-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabida Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Degmooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Boosaaso si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;

B. Xasan Cabdalle Xasan Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso

T. Siciid Cabdiraxmaan Maxamed Guddoomiye Ku-xigeenka Degmadda Boosaaso.

  1. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Garoowe si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;

B. Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) Guddoomiyaha Degmadda Garoowe.

T. Maxamed Cali Maxamed (Xamari) Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Garoowe.

  1. Waxaa Guddoomiyaha Degmadda Gaalkacyo si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya Xassan Maxamed Jaamac
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

About The Author