Madaxweyne Deni oo kala diray golahii deegaanka ee degmada Garowe

15 Sept  2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Xeer madaxweyne oo uu soo saaray ku  kala diray golahii deegaanka ee degmada Garowe.

Golaha deegaanka degmada Garowe iyo gudoomiyahooda Axmed Saciid Muuse ayaa xilka haye 4 sano,  iyagoo shaqo aad u fiican ka qabtay caasimadda Puntland mudadii ay xilka hayeen.

Hoos ka akhriso Xeeka madaxweyne:

Garoowe: 15 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 54 ee 15-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123-aad, farqaddiisa 4-aad.

Markuu arkay: Xeerka Maamuulka Degmooyinka iyo Gobolada (Lr 7) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad farqaddiisa 5-aad

Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

About The Author