Daawo Wasiirka A Gudaha DFS “Anaga waxaan dhisaynaa Mudug iyo Galgaduud oo buuxa, wixii khilaafaad ah waxay u taalaa Gudiga Xuduudaha”

Pes-Wasiirka Arimaha Gudaha DFS  Odowaa ayaa isagoo ka qaybqaadanaya Barnaamijka Doodwadaag ee ka baxa TV ga Universal yiri mar la waydiiyey inay Gobol iyo bar maamul u samaynayaan iyo in kalae “Anaga waxaan dhisaynaa Mudug iyo Galgaduud labo gobol oo buuxa, wixii khilaafaad ah waxay u taalaa Gudiga Xuduudaha”Pes

Anintan ayaa waxay banaanka soo dhigaysaa Ruwaayadii madaxweynaha Puntland u jilayey shacabka reer Puntland taaso ah in ay ku heshiiyeen madaxweynaha DFS Xasan Sheekh in waxa maamulka loogu samaynayo Cadaado ay tahay Koonfurta Mudug iyo Galgaduud, Pes. Wax badan bay Warbaahinta Puntlandes, pes, ay isku dayday in ay baraarujiso reer Muduga Hurdada dheer ku jira kuna qarwaya yaa na soo hawaysan kara? ma kuwan Xaafada Baraxleey fadhiya? Cidna nama qabsan karto? iyo wax raqiis ah oo la mid ah,Pes.

Xasan iyo Tolkii xoog kuma qabsan karaan Gobolka Mudug laakiin inay Riwaayada uu la jilayo Wiilkooda Gaas ku qabsadaan ma saxbaa? Haddii aan sida la isku dhaamin Mudug waxay noqon meel la BOOBO 2015 ka!!! Waxaana masuuliyadaa qaadaya madaxweyne GAAS iyo kuwa shacabka beenta u sheegaya oo leh la idiinma soo socda waa been iyo wax la mid ah.

Soomaaliya sidii Xamar looga dumiyey waxaa dagaal iyo muran ay ka wadeen Xamar iyo Gobolada ka hooseeya waxaana arintaas waday kuwa maanta ku soo ururay Cadaado iyo Dhuusamareeb markii dadkii lahaa dhulkaas ay ka soo tuureen, Pes, waxaa nasiib daro ah in ay arkeen Fursad ah Puntland  iyo Gobolka Mudug oo dagan maadaama uu madax ka yahay GAAS oo aan oran karin maya iyo waxaani dadkii i doortay ma qabtaan!!! Maanta 2015 ayaa murankii iyo qayladii ay usoo rareen Gobolka Mudug iyo Puntland inay ,Pes, dhacdana waxaa masuuliyadeeda leh Jilicsanaanta GAAS.

Geed ayaa waxaa laga sheegay isagoo Gudin lagu jarayey la hadlaya “Gudineey ima goyseen hadaan qaybtay kugu jirin” waxaa nasiib daro ah in uu madaxweynihii loo doortay in uu ilaaliyo midnimada Dhuleed iyo daeed in uu ku garabsiinayo Cadow doonaya ina kala goostaan Puntland oo ahayd dawlad soo jirtay 16 sano GAAS hortiids!!!!

Daawo Video oo ka bilaabo 1 00:59 kana bogo jawaabta Wasiirka “Laba Gobol oo Buuxa”

Puntlandes.com

About The Author