Sawirro-Muuqaal: Munaasibadda xariga looga jarayey Dhismaha Cusub Saldhiga dhexe ee Magaalada Gaalkacyo

21 Sept  2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa ka qayb galay Munaasibad xariga looga jarayey Dhismaha Cusub Saldhiga dhexe ee Magaalada Gaalkacyo.

Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland ayaa xariga ka jaray Saldhiga Munaasibadana waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga Puntland, Taliye ku xigeenka Booliska Puntland, Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug Puntland,Taliyaha Qaybta Galmudug, Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo puntalnd ,Guddoomiyaha Dagmada Gaalkacayo Galmudug, Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha ayaa Bogaadiyey dhamaan Hay’adihii Bixiyey Lacagta dhismaha iyo Wasaarada Amniga Puntland kuwaas oo juhdi badan galiyey sidii Saldhiga dhisma cusub loo hirgalin lahaa, guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay, in ay qayb wayn ka qaadanayso Hormarinta Howlaha Amni ee Magaalada Gaalkacyo.

About The Author