Sawirro-Muuqaal: Guddoomiyaha Golaha Wakiilalda oo waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaarinta ay Maxkamadda Rafcaanku dhaarinayso mas’uuliyiinta magacaaban

26 Sept  2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye kuxigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 31-aad, Kalfadhiga 50aad ee Golaha.

Fadhiga maanta oo ay goob-joog ahaayeen 56 Mudane, waxaa Golaha laga hor akhriyey codsi uu golaha u soo gudbiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland, kasoo ku saabsaanaa in magacaabidda xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Sare dib loogu dhigo muddo 30 cisho ah.

Codsiga Madaxweynaha oo cod la geliyey akhrinta kadib ayaa waxaa Oggolaaday 42 Mudane, waxaa diidey 6 Mudane, halka ay ka aamuseen 8 Mudane.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiilalda ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaarinta ay Maxkamadda Rafcaanku dhaarinayso mas’uuliyiinta magacaaban, arrintaas oo ka hor imanaysa 132-aad qodobka ee Dastuurka Dawladda oo sheegaya in qof kasta oo xil sare ka qabanaya dawladda Puntland ay dhaarinayso Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland.

Sidaas darteed Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa faray in mas`uuliyiinta Sare ee Dawladda Puntland u hoggaansamaan qodobka Dastuuriga ah ee kor ku xusan.

Ugu dambeyntii, Gudddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdirashiid Yuusuf Jibriill ayaa soo xiray kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

About The Author