Sawirro: Madaxweyne Deni oo kormeeray Wadada Laacdheere iyo Rabaable oo uu kusocdo dhisme

27 Sept  2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Wadada Laacdheere iyo Rabaable oo uu kusocdo dhisme, waa 14KM oo hadda laamigii la saarayo isla markaana la dayactiray 14 Buundo.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan sida shaqadu u socoto ka dhegaystay Masuuliyiinta Hay’adda Waddooyinka Puntland, Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco Oo dhisaysa Wadada iyo Injineerada shaqada gacanta ku haya.

Wadadan ayaa ka mid ah Waddooyinka Isku xira Gobollada Puntland ee ay Dowladda Puntland dib-u-dhiseyso, waxaana qorshuhu yahay Bisha November in la dhameystiro.

Madaxweynaha ayaa intii uu Kormeerka ku jiray booqday Biyo xireenka deegaanka Rabaable oo ay Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland, Kaasi oo Biyihiisa ay ka faa’ideysteen xoola dhaqatada iyo Beeralayda deegaankaasi ku nool .

About The Author