Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland oo durrey Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Puntland

29 Sept  2022 (Puntlandes) Xasan Shire Abgaal Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland ayaa durrey Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa.

Xasan Abgaal ayaa yiri “Wasiir Juxxa wuxuu horey u yiri Dimuqraadiyaddii Puntland waa saqiirtay, saqiirkana waa la aasaa, hadda wuxuu leeyahay saqiirkii baan soo nooleynayaa,waana wax aan suurtagal ahayn”.

Sidoo kale Xasan Shire ayaa raali-gelin udirey Issimada dhaqanka Puntland oo uu sheegay inuu u gefay Wasiir Juxa wuxuu yiri “Isimada dhaqanka waxaan xaal ka siinayaa hadalkii aan u qalmin oo uu ku tilmaamey kaasoo ahaa Qow-saarro”.

About The Author