Sawirro-Muuqaal: Wasiirka xilka la qaaday ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan Saagootin ah la qaatay Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda

28 Sept  2022 (Puntlandes) Wasiirka Xafiiska ka sii tegaya ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan Saagootin ah la qaatay Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirada ayaa Madaxda iyo shaqaalaha ugu mahad celiyey mudadii ay soo wada shaqeeyeen guulo badana lagaaray intii shaqada lagu guda jiray

Wasiir Xasan Shire Cabdi ayaa Madaxda iyo shaqaalaha ugu baaqay in lays cafiyo waxana ay kula dar-daarmeen in dakhliga kor loo qaado Madxda Cusub ee Wasaaradda Maaliyaddana si hufnnaan ah loola shaqeeyo.

About The Author