Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo is casilay

03 Okt  2022 (Puntlandes) Xoghayaha guud ee golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux uu iska casilay xilkii uu ka hayay baarlamaanka.

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee Buux uu uga tagay shaqada oo uu hayay tobankii sano ee la soo dhaafay, laakiin waxay wararku sheegayaan in gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu ku qasbay.

Cabdikariin Buux , ayaa iska casilay xilkii xog-hayaha golaha shacabka, kulanka guddiga joogta ah ee Baarlamaanka ayuu ka sheegay go’aankan oo ku yimid cadaadis dhinaca guddoonka Baarlamaanka ah.

Cabdikariim oo muddo xilkan hayay, waxaa lagu sheegay inuu wax badan ugu fadhiyay hannaanka maamul ee Golaha Shacabka.

Dhinaca kalena, Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee dowladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa loo magacaabay Xoghaya guud ee Golaha Shacabka BJFS, ka dib markii uu iscasilay xoghayihii hore ee Golaha Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Mr. Jaabiri waxa uu ka soo jeeda deegaanada Puntland, si gaar ah gobolka Nugaal, waxaana la filayaa inuu dar dar galiyo shaqada baarlamaanka.

About The Author