Sawirro: Dhismaha wadada diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaaradaha Bosaso oo la dhameystiray

02 Okt  2022 (Puntlandes) Dhismaha wadada diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa la dhamaystiray, waxaana fulisay Shirkad uu madaxweyne Deni heshiis la galay.

Dhismaha wadada diyaaraduhu ku ordaan oo horay u ahaa 2400m ayaa iminka lagu daray 800m, isagoo Garoonku noqonayo 3200m.

Shirkadda ayaa waxay kaloo dhamaystirtay Baakinka baaruurka Garoonka oo Laami la saaray lana qurxiyey, waxayna Garoonka ku wareejisay Silig.

Sidoo kale waxaa la dhameystiray dhismaha wadado ballaaran oo Laami ah oo isku xirta garoonka iyo magaalada Bosao, taas oo ay fulisay dawladda Puntland.

Dhanka kale madaxweyne Deni heshiiskaas uu la galay shirkadda ma marin labada gole ee dawladda Puntland, Golaha wasiiradda iyo Baarlamaanka sida uu qeexayo Dastuurku.

About The Author