Mowqifka Dawladda Puntland ee Mooshinka ka Dhanka Ah Barlamaanka Dawladd Goboleedka Jubbland.

Qoraal watta cinwaankaan oo tix raaciisuna  yahay TIX / 0077/2015  ayaa wuxuu ka soo baxay maddaxtooyada Puntland.

Waxaan rabnaa in aan qoraalkaan ku falanqayno, waxa ka jira in dawladda Xamar ku xad gudubtey dastuurka markay mooshin ka keentay Jubba Land, dastuurkaasi waa kee? Ma kan maalin walba la badelo baa,  misse waa kii lagu heshiiyey? Saamayn iyo qiimo intee le,eg buu leeyahay  “Go,aanka “ Xukuumadda Gaas.?

Marka ugu horaysa marka dawladi ay go,aan soo saarayso oo ay dastuur cuskanayso waxaa lagama maarmaan ah in ay tilmaamaan qodobkaa iyo sida uu uga hor imaanayo ficilka dacwada laga yahay.

Marka taa laga duulo ma jirin wax qodob ah oo loo cuskaday g,aankii af hayeenka xukuumadda Puntland. Waxa kaliya oo ku qorraa in la jebiyey dastuur.

Haddaba muxuu dastuurkii lagu heshiiyey ee ay qolada Xamar waa hore tureen ku qoraa?

Qodobka 55aad, ee  dastuurkii saxda ahaa ee lagu heshiiyey ayaa wuxuu sharaxayaa Kala qaybinta Awoodaha meeshaa kuma cadda sida ay u kala awood badan yihiin iyo in qolo sharciyayn karto qolo kale.

Qodobka 62aad oo qeexaya xilka xubnaha baarlamaanka federaalka ah wuxuu dhigayaa, sida tan.

  1. Xubin kasta oo ka mid ah labada Aqal ee baarlamanku marka uu xilkeeda gudanayo waa in uu ku shaqeeyaa si ay danta qaranku ku jirto.
  2. Asaga oo oofinaya waajibaadka ku cad faqradda (1) ee qodobkan, xubin kasta oo ka mid ah Golaha Shacabka, xil gaar ah ayaa ka saaran matilaadda degaan-codbixiyaasha laga soo doortay iyadoo loo eegin siyaasad iyo taageerid xisbiyo kale.

Meeshaas waxaa ku cad ama loo fahmi karaa in haddi mid ka mid ah dawladdaha xubnaha ka ah federaalku ay ku dhaqaaqdo wax ka hor imaanaya “danta qaranka”!!! (Qabiilka) In ay mooshin ka keeni karaan dawladaas  iyagoo  si gaar ah u metelaya danaha deegaanada laga soo toortay ( iyaga oo metelaya Qabaa,il kooda ). Marka laga duulo rabitaanka dhaca xoolo iyo dhul aysan lahayn qabaa,ilka Soomaaliyeed qaarkood, ma jiraan dastuur ay ku xad gudbeen.

Waxa kaliya oo ay sameeyeen inay meesha ka saareen, isu jiidkii, raadintii Soomaaliyeed. Waxaana haboonayd in haddii midnimo Soomaaliyeed la danaynayo aan waxyaalha qaarkood la isku mashquulin.

Xukuumadda Gaas ma ilaalisaa dastuur???

Su aashan jawaabteedu waa maya,  waana ku ceeb in ay  is ku dayaan in ay cuskadaan dastuur mar hore  la sarriftay oo intii la rabayna lagu qortay wax kasta oo aan la rabina laga saaray. Hadaba waa kuwaan  tusaalooyin dastuurka qodobada laga tuuray amma la bedeley

  1. Qodobka 9,aad, ee ka hadlaya Magaalo madaxda qaranka,
  2. Qodobka 16-aad waxaana la bedeley: Xorriyadda ka mid noqoshada Ururrada.
  3. Qodobka 26,aad ee ka hadlaya hantida.
  4. Qodobka 44aad ee ka hadlaya dhulka, hantida iyo deegaanka.
  5. Qodobka 49aad: faqradda koowaad
  6. Qodobka 50aad ee ka hadlaya, tirada iyo xuduudaha dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka
  7. Qodobka 52-aad, faqradda 5-aad.
  8. Qodobka 55aad ee nuqulka rasmiga kana hadlaya Kala qaybinta Awoodaha.
  9. Qodobka 69aad. Nuqulka rasmiga ah ee dastuurka, kana hadlaya, Xeer-hoosaadka Golaha shacabka.
  10. .Qodobka 72aad ee ka hadlaya Aqalka Sare (Kan gabi ahaantiisba waa tuureen)

Iyo qaarkaloo badan oo gaaraya afartan .

Taas waxaa dheer in wax kasta oo heshiis ah oo ay Puntland iyo Qolyaha xamar isuguyimaadeen daaqaddaa laga tuuray oo aysan cidi u joojin.

Xusuusin in uu Cabdiweli Maxamed cali Gaas yimid xukunka iyadoo inta laga quustay Dawladda Xamar xiriirkii loo jaray.

Waa tuu inta iska daba galay oo wax kasta oo reer Puntland lahayd ku wareejiyey hadana loosoo dhigtay in Markaan Puntland la sarrifto oo cadba mar la goosto. Tusaale fiicanna waxaa u ah in Mudug inta la sheegtay, haddana  Madaxtooyadeenii Garoowe dhexdeeda laga lahaa, waxaa kala cadaynaya meesha ay raacayso mudug ”gudi Khilaafaad”

Waatii ay guddiyadaas ayagu isaga dhawaaqdeen oo laga soo xulay Tawfiiq iyo Huriwaa.

Intaas waxaa dheer in ardada reer Puntland ee mudda sanadka ah u soo dhimanaysey oo maanta u wada fariistay hal imtixaan oo isku mid ah oo hal meel lagu saxayo in SHAHAADADOODA LAGA KEENI DOONO XAMAR (oo ardadoodu ay si fudud uga heleyaan iskooladooda, aan mid midka kale la imtixaanka ahayn, ee wada helaya 99,9% amma HADAY DOONAAN KA IIBSANAYA SUUQA BAKAARAHA)

Markaan cadaynay in aysan xukuumadda Cabdiwali Gaas kala jeclayn dastuur oo horeba kaa loo boobay iyana sidaas kula socdeen oo ay raali ku ahaayeen, waxa is waydiin mudan su,aashaan.

Hadaladoodu miisaan intee le,eg bay ku leeyihiin dhagaha saaxiib u eke-hooda Xamar??

Waxaa cad in haddi ay hadalada iyo go,aama  xukuumada Gaas qiime u leeyihiin Xamar in ay wax badan oo ay hadda si khaldan u wadaan kala tashan lahaayeen, sida gudiga xuduudaha, oo ay  xukuumadda Gaas maqashiisay reer Puntland in aysan raali ka ahayn ( FICILKU WAA HALKIISEE).

Su,aasha kale ee imaanaysaa waxaa weeye, ma waxay ku jirayaan in ay hadba, qarqad sumad Puntland leh oo tixraac leh soo saaraan oo ay yiraahdaan waxbaa la bashey??

MAXAAD ADIGU KA SAMAYNAYSAA HADII WAX LA BA,SHEY? SOO KUGUMA SOCOTO? SOW DAWLADAYDA ”DHEXE” KUMA HAYSID? SOW AMARADEEDU KAMA FULAAN HALKAAD JOOGTO? SOW KUGUMA MATELAAN GOLEYAASHA CAALAMKA?

SABABTA LA ISU CEEBAYNAYAA MAXAY TAHAY OO MAALINWALBA LOO LEEYAHY ” BAL DAYA KUWII ISKA HADLI JIREY BAA ISKA HADLAYEE” WAR ILLEEN DHOGOR MURUX LOOMA DHINTO!!!!

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

 

 

 

About The Author