Dhagayso: Nicholas Kay oo lagu waraystay Barnaamijka Martida Makrafoonka “Dhaqdhaqaaqyada Al Shabaab ee PL way sii kordhayaan”

23 may (Puntlandes)- Barnaamijkii Martida Markarafoonka e eka baxa VOA ayaa waxaa todobaadkan lagu waraystay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay.

Mar wax laga waydiiyey Muranka ya wadaan DFS ta Xasan Sheekh ee ku doodaya inay dhisayaan maamul ka kooban Mudug iyo Galgaduud ayuu si dadban u diiday in u ka jawaabo isagoo yiri ”waxay ku fiican tahay in aad way diisaan madasha ay ku kulmaan Madaxweynaha DFS iyo Hogaamiyayaasha maamulada..”

Waxaa wax laga waydiiyey Ciidamo AMISOM oo la geeyo Puntland wuxuuna ku jawaabo ”waad saxan tahay dhaqdhaqaaqyada Al Shabaab ee Puntland waxay u muuqdaan kuwo sii kordhaya runtiina dawlada Puntland walaac xoogan ayey ka qabtaa waxayna codsatay in laga taageero dhinaca Ciidamada Amaanka gaar ahaan dagaalka ay kula jirto al Shabaab waxayna ila tahay in BEESHA CAALAMKA iyo Saxiibada Soomaaliya ay si wado jira uga jawaabaan codsigaas loona helo qaaab..”

Waxaa wax laga waydiiyey Doorashooyinka Somaliland, Ciidamada la sheegay in loo dhisayo DFS ee ay Somaliland ka soo horjeesatay iyo arimo kale

 

Barnaamijka ka dhegayso hoos


Puntlandes.com

About The Author