Akhriso: Qoraal uu qoray wasiirka A Gudaha DFS oo uu ku sheegay in uu Mudug ku daridoono maamulka Cadaado

24 may (Puntlandes)- Wasiirka Arimaha Gudaha DFS Abdirahmaan Odowaa ayaa wuxuu soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook ga qoraal ay ku dheehan tahay Geesinimo iyo sheegasho in uu yahay ninka wax ka go’aan, qoraalkaas ayuu uga hadlay damaca Kooxda Xasan Sheekh ee ah inay BOOBAAB Gobolka Mudug ee Puntland. Hada ogow akhristoow waa Gobol dhan oo dad soo lahaayeen waligood, waa gobol dhan oo wax ka dhistay 1998 dawlada Puntland oo ay ku cadahay Dastuur ku sheega ay sharciyada ku haystaan kaasoo qeexaya in ay tahay dawlada kaliya ee iminka jirta buxisayna Sharuudihii Dastuurka lehna xuduud cad, waa Gobol dhan oo tirsan dawlada Puntland.

Dastuur ku sheega ay DFS sharciyada ku haysto wuxuu leeyahay waxaa dawlad Goboleed dhisan kara laba Gobol iyo wixii ka badan oo si iskood ah isugu tagay kumana qorna in la isjajuubo lama jajuubi karo Gobol dawlad lahaa 17 sano wax dhci karana ma aha waxa ay ku RIYOONAYAAN nimankan.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo maanta ka hadlayey Mooshinka Xamar lala ordayo iyo KG ayaa yiri ” Waa niman iyagoo ordaya Riyoonaya ahna federaaldiid” waxaa cad in ay Xasan iyo Kooxdiisu yihiin Federaaldiid ayna Orod ku RIYOONAYAAN.

84b

Wasiir Odowaa oo ah wiil Xiiqsan Khiyaalina loogu soo sheekeeyey ayaa wuxuu ku bilaabayaa Qoraaalkiisa uu faanka iyo Awooda uusan lahayni ka muuqdo sidatan:

Waa nasiib daro in wax walba la siyaasadeeyo haddii aan maanta kala gooyno Mudug qabiil dartiis maxaa diidaya iney Reer Ceeldheer dhahaan waxaan ku biireeynaa Shabeeladda Dhexe halka Reer Matabaana ay dhihi doonaan waxaan ka mid nahay maamulka Galgaduud.

Si loo ilaaliyo nidaamka Federaalka waxeey Wasaaradda arrimaha gudaha boqolkiiba boqol taageersan tahay maamul ka kooban Galgaduud iyo Mudug.

Inta taageersan horumarka dalka iyo nabad ku wada noolaanshaha waxaan leeyahay Guuleeysta

Doorkii Puntland oo meesha ka baxay iyo Federaaldiidka oo ku haya Puntland Burburin

Buuqa ay Federaaldiidku ku fureen Jubaland maanta waxaa sidii ku haboonayd uga bixiyey jawaab waafiyah madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam isagoo si cad u sheegay waxa uu samaynayo haddii hal maalin oo dambe ay kasii hadhadlaan Riyadaan ay iyagoo Ordaya Riyoonayaan.

Waxaase nasiib daro ah in dhanka Puntland uu ka maqan yahay madaxweyne ilaaliya isagoo madaxweynihii loo igmaday in uu ilaaliyo Puntland uu ku garabsiinayo kooxda Xasan ee Burburinta ku haya Puntland.

Waxaa la gaaray xiligii ay kici lahaayeen Shacabka reer Puntland gaar ahaan kuwa reer Mudug ayna tusaan Wiilka wasiirka DFS in uu RIYOONAYO isagoo ORDAYA Muugn auu leeyahay Rag lahaana doonaan, aysana ahayn dhul wiil Riyoonayaa BOOBI karo.

Waqti dambe oo ay ku sugaan GAAS uma harin reer Puntland meel kasta oo ay joogaana waa in ay istaagaan haddii kale Riyada wiilkan yar ee Orodka ku Riyaanaya ayaa RUMOOBAYSA!!

Halkan ka akhri Qaraalkii Wasiirka Orodka ku Riyoonaya

85

 

Puntlandes.com

About The Author