Somaliland oo Degmo kala wareegtay Puntland

31 Okt 2022 (Puntlandes) Somaliland ayaa la wareegtey degmada Boocame ee gobolka Sool oo ahayd magaalada ugu weyn ee Puntland ay gacanta kaga haysay gobolka Sool.

Wararku waxay sheegayaan inaysan wax iska hor imaad ah ka dhicin magaalada markii ciidamada Somaliland taabacsan ay gudaha u galeen. Waxaa gebi ahaanba isaga baxay ciidamada Booliska Puntland ee halkaas ku sugnaa.

Degmadda Boocame ayaa kamid ah meelaha tirada yar ee gobolka Sool ee Puntland u qorshaysay in ay ka qabato doorashooyinka qof iyo cod.

About The Author