Sawirro: Maamulka sare ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee ka hawl gala gobolka Mudug oo tababar loo furay

02 Nov 2022 (Puntlandes) Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa tababar u qabtay maamulka sare ee Wasaaradda ee ka hawl gala gobolka Mudug.

Tababarka ayaa Maamulayaasha Wasaaradda loogu soo badhigay casharada ay ka mid yihiin Qiimaynta iyo abaalmarinta shaqaalaha, waajibadka shaqo ee saaran maamulayaasha, Xeerarka iyo siyaasada Wasaaradda Maaliyadda iyo diyaarinta warbixinada bilaha ah.

Furitaanka tababarka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xisaabiyaha Wasaaradda ee gobolka Mudug, Agaasimaha Waaxda deeqaha dibadda, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo tababarada iyo Madaxda Xafiiska FMIS Wasaaradda Maaliyadda.

Tababarkan waxaa Macalimiin ka haa Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo Tababarada Cabdulqaadir Cali Ismaciil, Agaasimaha Waaxda deeqaha debada Prf Nuuraani Xaaji Maxamed Aw Axmed iyo Mr Cabdirsaaq Jaamac Siciid

Kor u qaadida iyo kobcinta aqoonta maamulka iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda waxa ay qayb ka yihiin kulamadii horumarinta shaqada ee uu horay u iclaamiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Dr Maxmed Cabdi Cilmi.

About The Author