CIIDANKA BOOLISKU WAXAY U BAAHAN YIHIIN TALIYE AQOON IYO FIRFIRCOONI CUSUB WATA

07 Nov 2022 (Puntlandes) Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameriko oo iminka ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JF Soomaaliya isla markaasna soo ahaa Lataliye madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayna yihiin qaraabo iyo Gen. Cabdixakiin Daahir Siciid (Saacid) labadooduba waxay soo noqdeen taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Gen Ameeriko iyo Gen Saacid waxay madaxweynayaashii xiliyadaas xilalka uga qaadeen iyadoo si xoogan loo dhaliilayo kartidooda hogaamineed ee Booliska, haday noqoto dib u dhiska ciidanka iyo amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan amniga caasimadda dalka.

In maanta ay u hanqaltaagaan inay mar kale xilkaas dalka u qabtaan waa nasiib darada ku habsatay ummadda Soomaaliyeed ee ay dib cagaheedii ugu istaagi la`dahay dawladnimada Soomaaliya.

Madaxweyanha Puntland Siciid Deni oo suxul duub ugu jira sidii uu mar kale u qaban lahaa xilkaas Bashiir Ameeriko waxa uu hayaa shaqadií Puntland lagu yaqaanay oo ah wax walba waxaa mudan xigtadayda xataa haddii aysan lahayn kartideeda iyo aqoonteeda shaqadaas.

Madaxweyanaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa quman inuu qaato talaabo ku dhiirasho mudan oo ah inuu xilkaas u magacaabo aqoonyahan, aqoon sare ka gaaray Cilmiga Booliska dhiig cusub iyo firfircoonina geliya Booliska Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya iminka waxa uu u baahan yahay Taliye la jaanqaada dagaalka uu madaxweynuhu ku qaaday Alshabaab, si mug lehna  uga shaqeeya sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed iyadoo ahmiyad la siinayo sugidda amniga ganacsatada iyo abuuris ku kalsoonaanta dawladda.

Marxaladaan iminka dalku ku jiro lama jaanqaadi karaan Ameeriko iyo Saacid maxaa yeelay waa la soo tijaabiyey, waxaana xilalka looga qaaday markay ku fashilmeen.

Puntlandes.com

About The Author