Beesha Caalamka oo war soo saartey muranka siyaasadeed ee Somaliland

08 Nov 2022 (Puntlandes) Bayaan ay soo saareen Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, ayay kaga hadleen kulankii maanta ay la yeesheen madaxweynaha Somaliland ee habka fogaan araga ku qabsoomay.

Beesha caalamku ayaa waxay walaac ka muujiyeen is fahamwaaga ka dhex taagan qaybaha siyaasadda ee Somaliland, (xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda), waxaanay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo is fahan dhex mara dhinacyada siyaasadda iyo in la isku waafaqo qaab la hubo.

Sidoo kale, xubnuhu waxay xuseen muhiimadda xorriyada hadalka, iyo in aan xoog waxba lagu maquunin. Xubnuhu waxay hoosta ka xarriiqeen sida ay madaxweynaha uga go’antahay in doorashada lagu qabto waqtiga Komishanka Doorashooyinku asteeyeen, iyo in uu maalmaha soo socda la kulmo mucaaridka.

About The Author