Sawirro: Kulan loogu Diyaargaroobayo diyaarinta aragtida Dowladda Federaalka ee Astaynta Awoodaha &Dhismaha Garsoorka oo qabsoomay

10 Nov 2022 (Puntlandes) Kulan loogu Diyaargaroobayo diyaarinta aragtida Dowladda Federaalka ee Astaynta Awoodaha iyo Dhismaha Garsoorka ayaa Muqdisho ku qabsoomay.

Waxaa laga ambaqaadayo awaamiirta Madaxweynaha iyo RW ee daba socday natiijadii Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran ee dhacay 27-31 October 2022, ayaa Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta iyo Wasaaradda Cadaaladda & Dastuurka waxa ay isugu yimaadeen kulan loogu diyaar garoobayo diyaarinta ajandeyaasha shirka lagu balansan yahay 24 Dec 2022 ee Golaha wada-tashiga Qaran.

Kulanka ayaa falanqeyn keddib, waxa ay hay’adaha heer Federaal ee sida tooska ah ay u quseeyaan ajandeyaashan isla garteen in ay u saaraan khubaro wax ka soo qora ajandeyaasha miiska saaran ee Astaynta Awoodaha iyo Dhismaha Garsoor Federaal ah.

Madaxda Xafiisyadan ayaa faray khubarada loo saaray in ay muddo kooban ku soo diyaariyaan si loogala tashado hay’adaha kale ee heer Federal ka hor shirka soo socda ee Golaha Wada-tashiga Qaran.

About The Author