Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland ”Dalku magali karo firaaq hadii doorasho qof & cod laqaban waayo waxa loo noqonayaa lifaaqa”

12 Nov 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa munaasabadda furitaanka shirweynaha 4-aad ee Deegaanka iyo Isbedelka cimilada Puntland oo ka furmay magaalada Garoowe ayna goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Cabdi Siciid Juxa iyo wasiiro kale ka caddeeyey inuusan Lifaaqa lagu soo xulo Xildhibaanada Puntland ahayn xeerjajab ee uu yahay Sharci.

Guddoomiyaha ayaa yiri ”Dalku ma gali karo firaaq, hadii doorasho qof & cod ah la qaban waayo waxaa loo noqonayaa lifaaqa…”

Dhanka kale Guddoomiyaha oo ka hadlayey Xaddaynta degmooyinka Puntland oo ay ansixisay Xukuumadda Deni una gudbisay Guddiga Doorashada ayaa caddeeyey in sida uu qabo Xeer L7 aysan jirin cid aan Baarlamaanka ahayn oo samayn kartaa.

About The Author