Daawo Muuqaal: Xisbiga Kulmiye oo go’aamiyay in aan xisbiyada mucaaradka Somaliland wax xuquuq ah ku lahayn dawladda

19 Nov 2022 (Puntlandes) Xisbiga Kulmiye oo madaxweynanaha Somaliland Muuse Biixi hoggaaminayo ayaa go’aamiyay in aan xisbiyada mucaaradka Somaliland wax xuquuq ah ku lahayn dawladda Somaliland.

Arrintaani waxa ay ka dhigan tahay in lacagtii bilkasta la siin jiray labada xisbi Mucaarad ee xukuumaddu bixin jirtay laga jaro.

Kulmiye arrintaan waxa uu sabab uga dhigay in Waddani iyo UCID ay ku dhaqaaqeen arrin Dastuur jabin ah oo ah in aanay Aqoonsanayn xukuumadda.

Waxaa la is waydiin karaa muxuu dastuurka Somaliland ka leeyahay in Xisbiga Kulmiye labada xisbi ee kale ka jaro Lacagta?