Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay guddoomiye ku-xigeennada iyo xog-hayaha guud ee gobolka Banaadir

20 Nov 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Mudane Ciise Maxamuud Guure Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda

Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga

Mudane C/Casiis Cismaan Maxamed Guddoomiye Ku-Xigeenka Arrimaha Bulshada

Mudane Xasan Maxamed Jimcaale Guddoomiye Ku-Xigeenka Howlaha Guud

Mudane Faysal Carraale Afrax Xog-Hayaha Guud.

Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiye ku-xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka Nofeembar, 2022.

About The Author