Warsaxaafadeed: TPEC oo shaacisay Xilliga Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Puntland ay bilaabanayso (Muuqaal)

26 Nov 2022 (Puntlandes) Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland , (TPEC ),ayaa maanta kulankoodii asbuuclaha ahaa ku ansixiyay waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Puntland.

TPEC ayaa sheegtay in taariikhda diwaangelintu ay bilaabanayso 13/12/2022 socona doonto muddo afartan ¡yo shan maalmood (45) ah o ku eg 27/1/2023.

TPEC ayaa ku sii dartay inay 13ka bilaabanayso diiwaangelinta gobolada Bari, Karkaar iyo Gardefuu, waxayna ku egtay goboladaas 24 december.

TPEC ayaa sheegtay inay gadaal ka soo sheegi doonto siday gobalada kale isku raacayaan iyo waqtiga.

Afhayeenka Guddiga Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa Warsaxafadeedka Guddiga soo jeedinaya.

About The Author