Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Axmed Madoobe oo booqday Ciidamada Qalabka loo diyaariyay howlgalka dhawaan ka bilaabanaya Jubaland

DCIM\101MEDIA\DJI_0609.JPG

28 Nov 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu tagay Ciidamada Qalabka sida ee loo diyaariyay howlgalka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Madaxweynaha waxaa wehelinayay Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage oo Jubaland u joogay Maalmahan sidii Dowlada Federaalka iyo Jubaland ay u bilaabi lahayeen howlgalo midaysan oo lagu naafaynayo cadowga khawaariijta ah ee banaystay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka isla markana ay diyaar u yihiin xoraynta dalka.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marka deegaanada la xoreeyo kadib ay diyaar yihiin hay’adahii la wareegi lahaa shaqada gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida sidoo kalana la bilaabi doono sidii dadka deegaanka ay usoo dooran lahayeen dadka u adeegaya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in argagixisada lagu jabiyay dagaalka kasocda gobolada dalka isla markaan la is raacin doono lagana xoraynayo deegaanada Jubaland oo ah halka howlgalka xoogiisa uu ka bilaaban doono isagoo uga digay dadka shacabka ah inay ku kadsoomaan dacaayadaha iyo wararka beenta ah ee khawaariijtu ay faafinayso.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa ku amaanay Dowlada Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Abdi Barre sida ay uga go’an tahay nabad kusoo celinta dalka iyo cirib tirka argagixisada taas oo hadaba guulo la taaban karo laga gaaray.

DCIM\101MEDIA\DJI_0609.JPG
DCIM\101MEDIA\DJI_0582.JPG
DCIM\101MEDIA\DJI_0587.JPG
DCIM\101MEDIA\DJI_0596.JPG

About The Author