Sawirro: Wasiirka xanaanada xoolaha DFS oo lagu soo dhaweeyey Bosaso

01 Dec 2022 (Puntlandes) Waxaa si wayn loogu soo dhoweeyey magaalada Bosaso Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed oo ay qayb ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland Mudane Maxamed Cabdulaahi Axmed (Libaaxe), Jubbaland Mudane Maxamed Nuur Cali, Galmudug Mudane Maxamed Cabdi Maxamed, Hirshabeelle Mudane Maxamed Maxamuud Goodir iyo Koonfur Galbeed Mudane Yusuf Adan Burdaale.

Masuuliyiinta Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ee DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka oo Puntand u jooga shirka wada tashiga Wasiirada Wasaaraddaha Xannaanada Xoolaha ayaa safar shaqo ku joogi doona Gobolka Bari.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL Mudane Maxamed Libaaxe ayaa uga mahadnaqay Maamulka Gobolka bari kan Degmada Boosaaso iyo dadwaynaha soodhawaynta quruxda badan u sameeyey weftiga Wasiirada.