Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dib u dhis casri ah oo lagu sameynayo Madaxtooyada

01 Dec 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan dib u habeynta Xafiisyada Madaxtooyada ayaa dhagax dhigay dib u dhis casri ah oo lagu sameynayo Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qorsheyaasha ugu muhiimsan dowladdiisa ay ugu horreeyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, dib u habeynta xarummaha iyo hannaanka Hay’adaha dowladda iyo hirgelinta ku dhaqanka shuruucda dalka, taas oo aas-aas u ah dowlad Soomaaliyeed oo ay ku kalsoon yihiin shacabkeedu, gudan kartana waajibaadkeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowladda, shacabka Turkiga iyo shirkada Albayrak sida ay gacanta uga geysanayaan dib u casriyeynta Xafiisyada Madaxtooyada, iyaga oo mar walba garab istaag iyo taageero u muujiya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay dhabar adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada gurracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in gacan dalka lagaga cirib tiri doono arxan-laaweyaashaas, gacanta kalena lagu horumarinayo dowladnimada.

Munaasibadda dhagax-dhigga Madaxtooyada cusub ee dalka waxaa ka qaybgalay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya iyo Madaxa shirka Albayrak.