Sawirro-Muuqaal: Xildhibaanada Puntland oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey 6 xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland

08 Dec 2022 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey 6 xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland kuwaa oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Dawladda Puntland, waxaa Oggol ugu codeeyay 45, diidmo 2 , aamus ma jiro.

Xubnaha Golaha Wasiiradda ayaa kala ah;

1. Wasiir, Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

2. Wasiir, Maxamed Siciid Maxamed (Faroole), Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga

3. Wasiir, Maxamed Cabdiwahaab Axmed, Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

4. Wasiir, Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

5. Wasiir, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Wasiiru- Dawlaha Madaxtooyada Dawladda Puntland.

6. Wasiir, Maxamed Cabdirisaaq Dayib, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Fadhiga waxaa joogay 47 Xildhibaan.

Waxaa dhaariyey Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare.

Dhaarta Dastuuriga ah:

” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.”

XUBNIHII MAXKAMADDA DASTUURIGA AH OO BAARLAMAANKU ANSIXIYEY

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey 4 xubno oo ka mid noqonaya Maxkamadda Dastuuriga ah , waxaa Oggol ugu codeeyay 43, diidmo 3 , aamus 2 mudane.

Xubnahaa ayaa kala ah:

1. Garsoore Ismaaciil Cabdullahi Cilmi

2. Garsoore Aadan Cumar Maxamed

3. Axmed Xuseen Maxamed ( Soomaali)

4. Garsoore Cali Cabdiraxmaan Maxamuud ( Qaanuuni)

Fadhiga waxaa joogay 48 Xildhibaan.

23 sanno ka dib markii 1aad oo ay Puntland yeelto Maxkamad Dastuuri ah.

Waxaa dhaariyey Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare.

Dhaarta Dastuuriga ah:

” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.”

About The Author