Sawirro: Xildhibaanada Puntland oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey labo xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland

08 Dec 2022 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey labo xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland, waxaa Oggol ugu codeeyay 47, diidmo 1 , aamus 1 mudane.

Xubnahaa ayaa kala ah:

1. Garyaqaan Suleymaan Sheikh Cabdullaahi Maxamuud, xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.

2. Garyaqaan Cabdiqani Mire Xirsi, xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.

Fadhiga waxaa soo xaadiray 49 mudane.

Xubnahaa ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland ku magacaabay Xeer LR. 81, December 06, 2022, waxaana dhaariyey Garsoore Siciid Axmed Faarax oo ka tirsan Maxkamadda sare.

About The Author