Sawirro: Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya oo Garoonka diyaaradaha Adan Cadde ku soo dhoweeyay Ciidamo Booliis ah

11 Dec 2022 (Puntlandes) Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ciidamo booliis ah oo tababar ku soo qaatay Jabuuti oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Taliyaha ayaa uga mahadceliyay dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti tababarka ciidankan oo ah Dufcaddii 17-aad ee Daraawiishta ee tababarka ku soo qaatay dugsiga tababarka Booliiska ee dalka Jabuuti.

About The Author