Madaxweyne Muuse Biixi oo ku dhawaaqey xiliga uu bilaabanayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku

11 Dec 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xeer madaxweyne oo uu soo saaray ku dhawaaqey in Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland ay bilaabanayso 28ka december 2022ka.

Somaliland ayaa waxaa ka jiray muran u dhexeeya Xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo Ucid madaxweye Muuse Biixi kaas oo ku saabsan doorashada soo horaynaysa tan Ururada iyo tan madaxweynaha.

Hoos ka akhriso Xeerka Madaxweyne:

Xeer MADAXWEYNE-11-12-2022.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 18/122022 uu ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland.

Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 18/122022

Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha;

Markaan Ku-qancay: Soo-jeedinta wakhtiga qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka;

Waxaan Go’aamiyey;

In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Somaliland

About The Author