RW Xamse oo umagacaabay Maareeyaha mashruuca horumarinta Xeebaha iyo Kalluumeysiga Soomaaliya shaqsi ay……..

12 Dec 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa ku amray Raisul wasaare Xamse Cabdi Barre in Cabdinaasir Aden Cismaan u magacaabo Mareeyaha Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo Kalluumeysiga dalka.

Sidoo kale Mareeyaha cusub Cabdinaasir ayaa isla maanta shaqadaas lagu wareegay, si uu u maamulo dhaqaale badan oo Bankiga Aduunku ku taageeray Soomaaliya.

Cabdinaasir ayay xigta dhaw ama Qaraabo qoys yihiin Madaxweyne Xassan Sheekh, magacaabidiisa ayaa loo keenay in uu maamulo Mashruuc ka imaanaya Bankiga Aduunka oo Soomaaliya lagu siinayo lacag dhan $50malyan oo Dollar.

Cabdinaasir wuxuu ahaa xildhibaan katirsan baarlamaanka Galmudug, horeyna UPD ay ugu sharaxeen Jagada gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaas, balse uu Dr Gacal uga guuleystay, Isweydiinta taagan sharciyan masii ahaan karaa xildhibaan.

Madaxweynaha ayaa cid kale diiday in Mashruucan uu ku aamino, xili ay soo baxayaan macluumad cadeynaya in xubno horey musuqmaasuq ugu caan ahaa ay magacaabistan kudaaban yihiin, kuwaas oo kamid qoyska Madaxweynaha.

About The Author