Sawirro-Muuqaal: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha madaxweynaha oo gaaray Xudur & Lafta Gareen ……

12 Dec 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJF Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha dalka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Xudur u tegay arrimo la xiriira oo dardar-gelinta gogosha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu horay u fidiyey, qiimeynta xaaladda magaaladaasi, iyo arimo la xiriira howlgalka ka dhanka ah Alshabaab ee la filayo inuu ka bilaamo halkaas.

 Safarka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee Xudur ayaa banaanka soo dhigay heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Guddoomiyaha ayaa weji gabax kala kulmay maamulka Lafta Gareen oo aan kusoo dhoweyn degmada Xudur, maadaama uu yahay mas’uulka Koonfur Galbeed ugu sarreeya ee ku jira dowladda federaalka Soomaaliya,a ahni iminka kusimaha madaxweynaha dalka, taas oo su’aallo badan iyo shaki dhalisay.

Aadan Madoobe ayaa waxaa garoonka Xudur ku soo dhaeweeyey gudooyaha gobolka Bokool, kan degmada iyo dadweyne kooban, taas oo muujineyso in hoos loo dhigay soo dhaweyntiisa.

Lafta Gareen oo ku sugan Baydhabo ayaa isaga iyo wasiiradiisuba aysan ka qeyb-galin soo dhoweynta guddoomiyaha, taas oo loo arko in uusan ku qanacsaneyn howsha uu wado, sidoo kalena  waxay caddeyneysaa inuu jiro mad-madow siyaasadeed oo u dhexeeyo labada nin.

Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalad siyaasadeed oo cakiran taasoo ka dhalatay doorashada kusoo foodleh maamulkaasi, waxayna xaaladdu kasii dartay markii xubnaha mucaaradka ee jooga magaalada Muqdisho ka biyo diideen muddo kororsiga Laftagareen.

About The Author